Maxay ka wada-hadleen madaxweyne XASAN iyo hoggaanka SSC? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah isimada dhaqanka ee gobollada SSC-Khaatumo oo shalay soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa hoggaanka SSC-Khaatumo kala hadlay arrinta Laascaanood iyo guud ahaan xaaladaha ku geedaamay gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.

Inta uu kulanka uu socday madaxweyne Xasan ayaa ka dhageystay Isimada aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka taagan Gobolka Sool, isagoo xoogga saarayey sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa markale adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku dagaallamay Laascaanood kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho xaaaladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waaa ay ka go’an tahay in ay doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka ay qaadato, si loo joojiyo dhiigga qulqulaya” ayuu yiri.

Dhinaca kale Isimada SSC ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaa ayna bogaadiyeen mowqifkii xukuumadda ee masiirka Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhasahy dagaalka.

Dhaq-dhaqaaqan Muqdisho ku billowday ee ku aadan arrinta Laascaanood ayaa kusoo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyay ay istaageen dagaalladii ka socday magaaladaasi.

Arrintan ayaa uga sii xoojin karta eedeynta dowladda federaalka uga imaaneyso dhanka Somaliland oo marar badan dhaliilo xoogan usoo jeedisay xukuumadda Muqdisho.