Maxay ka wada-hadleen musharax Jabriil Ibraahim iyo Lafta-gareen? +Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulankaas ayaa ka dhacay hooyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Labada mas’uul ayaa qaatay mudo dheer socday, waxayna uga wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo haatan cakiran iyo halka ay marayaan arrimaha u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim ayaa intii uu kulankaasi socday waxa uu tilaamo badan ka bixiyay ahmiyadda ay leedahay isu tanaasulka iyo in la fiiriyo danta guud ee Qaranka.

“Xaaladda dalka uu ku sugan oo adag, waxaan idinkaga fadhinaa inaad si deg deg ah u qabataan doorashooyin raali laga wadaha-yahay,” ayuu yiri Jabriil Ibrahim Cabdulle.

Dhankiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa qoraal uu kasoo saaray kulankaas waxa uu ku yiri, “Waxaa hoyga aan ka deganahay magaaladda Muqdisho igu soo booqday Musharax Madaxweyne Dr. Jabriil Ibraahim Cabdulle.Waxaan ka sheekeysanay xaaladda dalka iyo arimaha doorashooyinka.”

Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda federalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.