Maxay ka wada-hadleen Somaliland iyo Faransiiska?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay wafdi culus ka socda waddanka Faransiiska, kaas oo gaaray magaalada caasimada ah ee Hargeysa, islamarkaana si weyn loogu soo dhaweeyey halkaasi.

Biixi ayaa wafdigan oo ay hoggaamineysay safiirka Faransiiska u qaabilsan Kenya Aline Kuster-Menager kula kulmay madaxtooyada, waxayna ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Somaliland ku wehlinayey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo xubno ka tirsan madaxtooyada.

Sidoo kale xubnaha wafdiga ka socda Faransiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa La-taliyaha Siyaasada, Lucile CARREZ, Madaxa Adeegga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika iyo Badweynta Hindiya, Jerome BACONIN, La-taliyaha Maaliyadda ee Gobolka, Heloise TOURNOUX, Madaxa Wakaaladda Horumarinta ee Bariga Afrika, Caroline ABT iyo danjire MENAGER.

Ilo ku dhow kulankaas ayaa shaaciyey inay labada dhinacay  diiradda saareen doorashada Somaliland, iskaashiga ganacsiga iyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Qoraal kooban oo soo baxay kulanka, kadib ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dhinacyadu ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya Somaliland & Faransiiska.

“Waxaana kulanka lagaga wada-hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, sidii loo xoojin lahaa, doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland, iskaashiga dhinaca ganacsiga iyo wada hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadku ku yimi. Kulankaasina wuxuu ku soo dhammaaday Isfahan iyo wada-shaqeyn”.

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey waday dhaq-dhaqaaqyo ay ku dooneyso inay ku hormariso xiriirkeeda arrimaha dibadda, walow ay culeysyo kala kulmeyso Soomaaliya.