Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudan Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa kulan la yeeshay qaar kamid ah madaxda dalalka gobolka, gaar ahaan dhiggiisa dalka Jabuuti iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Xasan Sheekh, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Abiy Axmed ayaa ka arrinsaday xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha ka taagan gobolka.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen xoojinta iskaashiga dhaqaale ee saddexda dal iyo isku xirka kaabeyaasha dhaqaalaha ee Geeska Afrika, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia, iyada oo magaca Itoobiya ka ilaalisay warbixinta socdaalka madaxweynaha ee dowlad-deegaanka.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale dowladda Soomaaliya ay mudnaanta ugu wayn siineyso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta” ayaa lagu yiri bayaanka.
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa Jigjiga u tegay ka qayb-gaka xarig-jarka mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar u leh dhaqaalaha iyo adeegyada gobolka.
Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo laba jeer tega caasimada dowlad-deegaanka Soomaalida ee Jigjiga, isaga oo markii ugu horreysay cagta saaray bishii August, 2016-kii ee muddo xileedkiisii hore, markaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi.
Madaxweyne Xasan aya xillagaas wada-hadallo la yeeshay madaxdii joogtay dowlad-deegaanka, isaga oo sidoo kale booqday xarumaha muhiimka ah ee maamulka iyo goobaha dadweynaha, wuxuuna qiimeynayay xaaladda guud

