Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Maxamed Bin Salmaan?

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Sacuudiga ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan, ahna dhaxal sugaha boqortooyada wadankaas.

Labada mas’uul ayaa wadahadalladooda diirrada ku saaray arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya Muqdisho iyo Riyadh, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee SPA.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo hadal qaaday horumarinta mashaariicda, gaar ahaan arrimaha shidaalka iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa soo saarita kheyraadkeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu kulanka socday madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dalbaday Amiir Maxamed Bin Salmaan inuu ka taageero dhanka amniga, maadaama uu socdo dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu soo dhaweeyay guulaha ay dowladda ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada Xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan argagixisada.

“Waxa uu muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sacuudi Carabiya u tegay ka qayb-galka shirka iskaashiga ee u dhexeeyay Shiinaha iyo waddamada Carabta, kaas oo lagu qabtay dalkaasi.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka mid aheyd dowladaha waa weyn ee sida ballaaran usoo dhoweeyay dib doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii bishii May.