Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo boqorka dalka Sucuudi Carabiya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa khadka Telefoonka kuwada hadlay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Boqorka dalka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, oo ku horeeyay wicitaanka ayaa waxa uu Madaxweynaha Somalia kala hadlay Guusha Doorashada, Isbedelka Somalia, Amniga iyo Horumarka ay shacabiga Soomaaliyeed ka sugayaan Dowlada cusub.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha waxa uuna u sheegay in Dowlada Sacuudiga ay si hagar la’aan ah u garabtaagan tahay Dowlada cusub iyo Shacbigeeda.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa Madaxweynaha macluumaad guud ka siiyay xiriirka labada dal, waxa uuna ku celcelshay in Dowladiisu ay garab hagar la’aan ah la garabtaagan tahay Dowlada Cusub ee Somalia.

Madaxweynaha iyo Boqorka intaa kadib waxa ay isla soo hadalqaaden iskaashiga dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga, waxa uuna ka codsaday in la xoojiyo xiriirka labada dowladood ee walaalaha ah.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo, ayaa sidoo kale, Boqorka ka dalbaday inay garab ku siiyaan xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo in Boqortooyada Sucuudiga ay ka qeyb qaadato sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee haatan ku nool duruufo aad u qallafsan.

Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, ayaa Farmaajo u sheegay in Sacuudiga uusan ka jiifan doonin garabsiinta Dowlada Somalia iyo Shacabkeeda, waxa uuna ballanqaaday inay la imaan doonaan qorsho loogu gurmanaayo shacabka ay saameysay abaaraha.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa isla fahmay hanaanka lagu saraqaadayo xiriirka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com