Maxay Kenya ka baqeysaa oo aysan ka baqeyn dalalka Qatar, Ethiopia iyo Turkey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Seddex maalin ka hor Sagaalkii Bishaan May dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Go’aankaasi ayaa waxay Kenya ku sheegtay in diyaaradaha ka yimaada magaalada Muqdisho lagu baari doono magaalada Wajeer, iyadoo arintaasi loo sameeyay sabab dhanka amaanka ah.

Muddo labo Saacadood oo baaritaan ah ayay diyaaradaha kusii maraan garoonka diyaaradaha ee Wajeer, waxaana waaxda amaanka ee saadaasha Hawada Kenya ay sheegtay in sabab amaan go’aankaasi loo qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka Kenya ku tilmaantay mid siyaasadi ka dambeyso oo aysan sax ahayn sheekada amniga la xiriirta, amniga Garoonka Aadan Caddena suganyahay.

Haddaba sidee loo sugaa amniga Garoonka Aadan Cadde?

  • Marka hore waxaad mareysaa baaritaan gacanta ah oo ay sameynayaan Boolis Soomaali ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan AMISOM oo isna gacanta iyo jirka ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan AMISOM oo qalabka qaraxyada ka hor taga iyo iskaan ah.
  • Waxaa ku xiga baaritaan ay sameynayaan Booliska Soomaaliya, AMISOM iyo Eeyo, markan waxaa la baarayaa Boorsooyinka .
  • Waxaa ugu dambeeya baaritaan ay sameynayaa Askarta ka socota Turkiga,waxaa ay baarayaan Boorsooyinka, iyaga oo adeegsanaya qalab casri ah.

Waa qaabka uu maro baaritaanka dadka iyo agabka ay wataan ee sida joogta ah uga baxa Magaalada Muqdisho, waxaa intaas  dheer in duullimaadyada ka dhoofa Aadan Cadde aysan ahayn kaliya Diyaaradah taga Kenya waxaase jira Diyaaradaha Ethiopian Airline oo toos Adis ababa u tagta.

Waxaa kale oo jira Turkish Airline oo sidoo kale toos u aadda dalka Turkiga,waxaa ku soo xiga diyaaradda Qatar Airways oo dhawaan duullimaadyo toos oo Doxa iyo Muqdisho bilaabeysa kuwaas oo noqonaya todobaadkii saddex maalin.

Haddaba waa maxay Kenya waxaa ay ka baqeyso ee aysan ka baqeyn Qadar, Itoobiya iyo Turkiga?.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com