Golaha wakiilada oo ka hor yimid qorshe uu BIIXI ka damacsanaa DHAKOOL

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegay in maanta kulan deg-deg ah ay iskugu imaaden Golaha Wakiilada Somaliland, kaasi oo ay ku eegayeen xariga xildhibaan Dhakool.

Kulankan ayaa waxa si gaara iskugu yimid Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ku falan-qeynayey xariga ay ciidamada Somaliland kula kaceen Xildhibaan Dhakool oo ka tirsanaa xildhibaanada golahooda.

Guddigan ayaa waxay sheegen in qaabka loo maray xariga xildhibaan Dhakool inuu yahay mid baal-marsan sharciga, iyaga oo Xukuumada Muuse Biixi ugu baaqey in sida ugu dhakhsaha badan xabsiga uga sii daayan xildhibaanka.

Guddiga Joogtada ah ee kulanka deg-dega ah iskugu yimid, waxa kale oo ay ka hor-yimaaden dalab uga imaaday Madaxweyne Muuse Biixi, kaasi oo ku aadanaa in xasanaada xildhibanimo laga qaado xildhibaan Dhakool, si ay u xalaashato xarigiisa.

Xildhibaan Dhakool ayaa shalay waxa la hor-geeyay Maxkamada Hargeysa iyada oo uu Gudoomiyaha maxkamada G/Maroodi-jeex uu iska diiday dhageysiga dacwada lagu soo eedeyay xildhibaanka.

Guddoomiyaha Maxkamada G/Maroodi-jeex, Cabdi Qawdhan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Xildhibaan Dhakool aan xarigiisa loo marin sifo sharci, isagoona ka dhawaajiyey in xildhibaanka lasoo xiray isagoo Xasaanadii Xildhibaanimo laga qaadin.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay dadaal ugu jirtaa siday xasanaada xildhibaanimo uga qaadi laheyd xildhibaan Dhakool, taasi oo ay ku xalaashaneyso xarigiisa sharci-darada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com