Maxay ku kala duwan yihiin heshiisyada Imaaraadka ee dekadaha Berbera iyo Boosaaso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska dowladda Imaaraatka Carabta ay kula wareegeen dekadaha Berbera iyo Boosaaso ayaa waxay isaga mid yihiin meelaha qaar, walow uu u dhaxeeyo farqi weyn.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo lagu xasuustoo hadaladii adkaa xiligii doorashada madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeeya heshiisyada Imaaraatka uu kula wareegay dekadaha Berbera iyo Boosaso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ugu horeyn ay kasoo horjeedaan heshiiskii dekada Berbera oo uu Imaaraatka uu ku helay inuu saldhig meletari ka furan karo dekada, taasi oo uu sheegay inay caqabad amaan ku tahay Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Berbera ka mid tahay dalka Soomaaliya, laakiin heshiiska saldhiga Berbera laga dhisayo uu yahay mid horseedaya in dagaalada Yemen ka socdo loogu soo gudbiyo dalka Soomaaliya.

Waxyaabada ay ku kala duwan yihiin labada heshiis wuxuu xildhibaanka ku sheegay in heshiiska Boosaaso uu yahay horumarinta dekada oo kaliya oo uusan ku jirin saldhig melatari balse heshiiska Berbera uu ku jiro saldhig meletari oo Soomaaliya dhibaato u horseedaya.

Si cad ayuuna sheegay inay kaga soo horjeedaan qorshahaasi, balse labada heshiis waxay ka siman yihiin sanadaha loo saxiixay dowladda Imaaraatka Carabta oo gaaraya min soddon sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com