Xog: Yaa lala eegtay qaraxii saaka dhacay maxaase ka dhashay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu ka dhacay qarax lagu xiray mid kamid ah gawaarida raaxada ah, sida dad goobjoogayaal ah inoo sheegeen.

Qaraxa ayaa waxay wararka sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa mid kamid ah gawaarida nooca raaxada ii waxyaabaha qarxa lagu xiray.

Dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawac daran kasoo gaaray shaqsigii watay gaariga, lamana ilaa iyo hadda waxa uu ahaa ruuxa qaraxa gaariga loogu xiray.

Ciidamada dowlada ayaa qaraxa kadib goobta gaaray, waxaana wararka ay sheegayaan in ruuxa gaariga qaraxa loogu xiray inuu ahaa dadka reer Xamarka ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ruuxa dhaawaca uu soo gaaray uu ahaa ruux ka tirsan shaqaalaha wasaarada waxbarashada, waxaana magaciisa lagu sheegay C/qaadir Cismaan Faarax oo loo yaqaan (Dr Yare)

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in Dr Yare uu ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

“Cabdulqaadir Cusmaan Faarax (Dr-Yare) kana mid shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada ayey gaarigiisa miino ugu xireen waana dhaawac lugaha ayaa ka go’ay ” ayuu yiri Xalane.

 Shalay waxaa Muqdisho ka dhacay labo qarax oo mid kamid ah dad badan oo shacab ah ku dhamaadeen, kaasi oo ka dhacay agagaarka wasaarada Gaashaandhiga.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com