Xog: Farmaajo oo la filayo in uu dhaqaale badan ka gudoomo Imaaraatka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku sugan dalka isku taga Imaaraatka Carabta,  halkaasi oo uu u tagay xiisad ka dhalatay heshiisyada Imaaraatka uu la galayo maamul goboleedyada dalka.

Ka sokow kulanka ku saleysan heshiisyadaasi, waxaa wararka aan heleyno ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya uu dhaqaalo badan ka guddoomayo dowladda Imaaraatka Carabta, sida wafdiga madaxweynaha ay inoo sheegeen.

Lacagtaasi lama xiriirto arimaha heshiisyada dekadaha Soomaaliya ee Imaaraatka carabta, balse waa dhaqaalo Boqortooyada dalkaasi ay ugu talo gashay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, sida xogta aan ku heleyno.

Lama oga cadadka lacagta, balse waa dhaqaalo la doonayo in wax loogu qabto dadka abaaraha kala duwan ay saameynta ku sheegeen sanadkaan.

Dhanka kale Waxaa la filayaa in kulamo looga hadlayo xaaladaha heshiisyada Imaaraatka ee dekadaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Dubai gaar ahaan qasriga looga taliyo dalkaasi.

Imaaraatka oo taageero ka helaya dowladda Mareykanka ayaa heshiisyo aysan waxba kala socon dowladda Soomaaliya la galay Somaliland iyo Puntland.

Caasimada ONline
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com