Xog cusub: Yaa ku gacan sareeyey dagaalkii xalay ee NISA iyo ciidamada Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamadii Nabad Suggida ee xalay weeraray xerada Emirate-ka Carabta uu ku tababaro Ciidamada Dowladda ee ku taala Degmada Hodan, ayaa waxaa la soo sheegaya in dib looga riixay.

Ciidamada Nabad Suggida, ayaa iska caabin xoogan kala kulmay Ciidanka Militariga ee degan xeradan oo ku taala aagga Warshadda Caanaha, iyadoona uu dagaalku ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la’isku adeegsaday, isla-markaana ay ka qayb qaateen baabuurta dagaalka.

Nin ka tirsan dadka deegaanka oo faah faahin ka bixiyay dagaalka, ayaa ka sheekeeyay qaabka uu ku bilowday, wuxuuna yiri “Ciidamada Nabad Suggida ayaa saddex askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga ee Emirate-ka uu tababaray ka qabtay Degmada Hodan, wayna jirdileen. Ciidamadii Militariga oo arrintan soo ogaaday ayaa Nabad Suggida weydiistay in askartooda u soo sii daayaan, laakiin way diideen. Dagaalka sidaas ayuu ku bilowday.”

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan, ayaa yiri “Gurmad soo gaaray Ciidamada Nabad Suggida ayaa weeraray xerada Emirate-ka uu ku tababaro Ciidamada Militariga, markaas oo dagaalka uu xoogeystay.”

Waxaa uu yiri “Ciidamo kale oo ka tirsan Ciidamada Militariga oo iska soo uruursaday xaafadaha Al Barako, Warshadda Caanaha iyo Tarabuunka, ayaa dagaalkii ku soo biiray, waxayna dib u soo riixeen Ciidamadii Nabad Suggida.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri “Dagaalka hal saac oo xiriir ah ayuu socday. Hadda xaaladda way degan tahay. Wadooyinka oo dhana waxaa lagu arkayaa Ciidamada Militariga oo aad u hubeysan.”

Waxa uu tilmaamay in ay maqlayaan dhawaaqa gawaarida Ambulance-ka, iyadoona loo maleynayo in dagaalku uu khasaaro gaystay, walow ay adag tahay in faah faahin laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.

“Maadaama ay habeen tahay way adag tahay in la ogaado khasaaraha kala gaaray labada dhinac, waxaanse maqleynaa dhawaaqa baabuurta gurmadka deg degga. Koley waxay u yimaadeen inay qaadaan askarta ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalka.” Ayuu yiri ninka ka tirsan dadka deegaanka.

Hadalkiisa, ayaa wuxuu intaa ku daray “Marka aad la hadasho dadka deegaanka waxay intoodu badan ku sheegayan in dagaalka uu bilowday iyagoo jiifa, hurdadana ay kaga soo kaceen rasaasta culus. Dadka qaar ayaa ka cararay guryahooda, kuwaa oo ka cabsi qaba in Ciidamada Nabad Suggida ay soo rogaalceliyan.”

Wuxuu inoo sheegay in dagaalkan uu jahwareer ku riday bulshada deegaanka, kuwaa oo wax lala yaabo ku macneeyay in ciidamadii amnigoodu suggi lahaa, ay ku dul dagaalaman.

“Intii uu dagaalka socday jahwareer ayaa la soo dersay dadka deegaanka. Aad iyo aad ayayna ula yaaban yihiin ciidamadii shacabka difaaci lahaa inay caawa ku dul dagaalaman.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Saraakiisha Nabad Suggida, ayaan wax war ahi ka soo saarin weerarka ay xalay ku qaadeen xerada Emirate-ka uu ku tababaro ciidan ka tirsan kuwa dowladda.

Weerarkan oo noqonayo noociisii ugu horeeyay, ayaa ku soo beegmaya, xilli Khamiistii C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) loo magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Xigasho: Dhacdo.com

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com