Farmaajo wixii saddex arrin kasoo hara wuu kala heshiin karaa Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo la filayo inuu kulamo kula qaato madaxda dalkaas, maadaama maalmihii ugu dambeeyey uu sii xumaaday xiriirka ka dhaxeeyo labada dowladood.

Ujeedka ugu weyn ee uu Madaxweynaha u tagay dalka Isugtagga Imaaraadka Carabta ayaa ah sidii uu dowladaas ugala hadli lahaa arrimaha sharci darada ah oo ay ka wado gudaha Soomaaliya kadib marki ay heshiis aysan dowladda ogoleyn la gashay Maamulada ka jiro Soomaaliya.

Haddaba waxaa lasoo caleemeeyey seddex waxyaabood oo uu san Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala heshiin karin dowladda Imaaraadka Carabta.

  • Heshiiska ay Imaaraadka la gashay Somaliland, kaasoo qeexayey inay halkaas saldhig Militari ka sameysato, waxayna arrintaas noqotay midda ugu saameynta badan oo ay Imaaraadka ka fulisay Soomaaliya, macquulna maahan inuu Farmaajo kala heshiiyo ama ka ogolaado Dowladda Imaaraadka Carabta.
  • Heshiiska Dakadda Berbera: Sidoo kalana arrintaan ayaa ah mid muhiim, maadaama ay Somaliland ku wareejiyey Imaaraadka Dakadda Berbera oo ah meel istaraatiijo ah oo ka tirsan Soomaaliya, sharcina maahan inay Imaaraadka cid kale oo aan aheyn dowladda Soomaaliya kala heshiiso, waana arrinta labaad oo uusan Farmaajo kala heshiin doonin Imaaraadka.
  • Heshiiska Dakadda Boosaaso: Dakadaan oo ah midda labaad ee ugu muhiimsan Soomaaliya ayaa dhawaan loo saxiixay Imaaraadka kadib markii ay heshiis wada galeyn Maamulka Puntland, wuxuuna qodokaan kamid yahay waxyaabaha uu Farmaajo kala hadli doono dowladda Imaaraadka Carabta, hal shardi ayuuna heshiiska Boosaaso ku aqbali karaa, waana haddii ay ogolaadaan inay Dowladda Federaalka lug ku yeelato, markaasna waxaa macquul ah in heshiis laga gaaro.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maanta halkaas kulamo xasaasi ah ku qaadan doono Madaxda Imaaraadka, wuxuuna safarkaan imaaday markii uu safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid aan sahlaneyn, waxaana la filayaa inuusan dhaqso isfaham dhex mari karin Farmaajo iyo Imaaraadka, maadaama waxa la isku heysto ay yihiin waxyaabo aan dhaqso go’aano looga qaadaan karin.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhaqaale badan ku weysay heshiisyada ay la kala gashay maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo la xasuusto in heshiiskii Saldhigga Berbera uu laaluush ahaan uga baxay lacag gaareyso ilaa 80 Malyan oo Dollar, waxaana lacagtaas kala qaaday Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo xisbiga Kulmiye oo ah midka hadda ka taliyo Somaliland oo uu hoggaamiye Axmed Siilaanyo.

Wixii go’aano ah ee kasoo baxo wadahadalada Madaxweynaha iyo Imaaraadka Carabta daqiiqad daqiiqad ayaad uga bogan doontaa Inshaa Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com