Sheekh Shariif oo go’aan cad kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kalana ka qeybgalay doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya ayaa si cad uga hor yimid go’aan ay soo saartay beesha uu kasoo jeedo oo lagu sheegay inaysan la shaqeyn doonin dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa arrintaan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaana hadaladaas ka muuqday xanaaq iyo in madaxweynaha laga been abuurtay.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso qoraalkii uu Sheekh Shariif soo dhigay barta ay Bulshada ku sheekeysato ee Facebook:

“Anigoo ah Shariif Sheikh Axmed ahna madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya waxaan shacbiga Soomaaliyeed la socodsiinayaa in aanan wax war ah ka heyn shirka la sheegay in uu ka dhacay magaalada Muqdisho isla markaana lagu aheegay in looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya.

Ma jirto koox ama reer magaceyga u isticmaali karta anigoo maqan iyo aniga oo jooga go’aanno shaqsiyaad ay gaareen wax wakaalad ahna aan iga heysan.

Ugu dambeyntii waxaan bulshadeyda u xaqiijinayaa inaan si buuxda oo shuruud la’aan ah u taageersanahay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna waajib nagu tahay inaan taageerno oo gacmaha aan is qabsanno si dalkeena aan u badbaadinno”.

Mahadsanidiin

Hadalkaan aadka u kulul ayaa yimaaday kadib markii ay Shalay Muqdisho war saxaafadeed kasoo saartay beesha uu kasoo jeedo kaasoo lagu sheegay inay Beesha kalsoonida ugala laabatay dowladda Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com