Muxuu Farmaajo kala soo kulmi doonaa wada hadallada Imaaraadka?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta oo waayadaani uu xiriir xumi kala dhexeeyay dowlada Somalia.

Madaxweynaha ayaa magaalada Abu Dabia ee dalka isutaga Imaaraadka kula kulmi doona Madaxda ugu sareysa dalkaasi, waxaana la filayaa inay kawada hadlaan arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Heshiiska Saldhiga Millitery ee Imaaraadka ka dhisanaayo magaalada Barbara kaa oo u dhexeeyay maamulka Somaliland iyo dowlada Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Madaxda dalkaasi kala hadli doona Heshiisyada aanu dowlada la socon ee lala galo maamul Goboleedyada dalka sida Maamulka Puntland oo ilaa Seddex Heshiis ay la galeen.

Madaxweynaha Somalia ayaa dowlada Imaaraadka la saxiixan doona Heshiis dhigaaya in dhammaan waxyaabaha khuseeya Somalia ay dowlada Imaaraadka kala xaajooto dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in dowlada Imaaraadka Carabta uu kala hadlo garab istaaga dowlada Somalia, iyadoo la duulaayo xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay labada dal.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in wadahadalka uu la galaayo dowlada Imaaraadka ka gaaro guul, maadaama Imaaraadka uu kasoo jilcay sidii uu ahaa bilihii lasoo dhaafay kadib markii uu xumaaday xiriirka labada dal oo mugdi ku jiray Seddexdii bil ee lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dib usoo celin doona sumcada dowlada Somalia, oo la rumeysan yahay inay wiiqan tahay tan iyo markii ay dhacday dowlada dhexe ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Abu Dhabi
Caasimada@live.com