Maxay Mareykanka maanta kala hadleen R/W ROOBLE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, xilli ay kasoo dartay xiisada ka taagan dalka.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada-hadleen xaaladihii u dambeeyay ee dalka, amniga iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbatay in xiisadda siyaasadeed ee dalka la dejyo, islamarkaana la dadajiyo doorashooyinka.

Dalalka taageera Soomaaliya ayaa xilligan culeys siyaasadeed saaraya madaxda sare ee dalka, si sax looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee soo laab laabtay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dhameystirka doorashooyinka dalka oo dhowr jeer muddo dhaafay.

Dowladda Mareykanka ayaa kal hore si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: