Wasiirka Amniga oo sheegay inuu tallaabo ka qaadayo saraakiishii joojiyay dibadbaxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay falkii Maanta lagu joojiyey banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah, kaasoo looga soo horjeeday afgambigii la sheegay inuu isku dayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ku sameyn doonaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas uu sheegay in uu u xaqiijinayo in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay Shacabka in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada lana aqbali karin wax rabshada ah.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Cabdullaahi ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Kaniif iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ay joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada Booliska ayaa dhowr jeer oo kala duwan waxay horey u hor istaageen banaanbaxyo looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.