Maxay noqon kartaa kaalinta dalalka dariska ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya shirweyne muhiim ah ku yeeshay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo waddamada dariska ee Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo loo yaqaano dalalka safka hore.

Saddexdaan waddan iyo Soomaaliya  ayaa u midoobay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaga oo ku dhowaaqay isbaheysi ay isaga kaashaan doonaan dagaalka lagula jiro kooxda.

Haddaba maxay noqon kartaa kaalinta waddamada dariska ee dagaalka Al-Shabaab?

Faarax Isaaq oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah ee dawladaha iyo arrimaha ammaanka ayaa ka hadlay arrintan, kadib wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da

Aqoonyahanka ayaa shaaca ka qaaday in dalalkana ay door weyn ka qaadan karaan dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay xuduud dheer la leeyihiin Sopomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iyaga ay dan weyn ugu jirto inay caawiyaan dowladda Soomaaliya, la’iskana kaashado amniga xuduudaha, si aysan uga tallaabin kooxda.

“Haddii aan fiirino waxay dan weyn ugu jirtaa dowladaha dariska ah inay Soomaaliya ka caawiyaan sidii loo ilaalin lahaa kooxahaan inay u gudbaan waddamada kalem ayaga ayey dan ugu jiraa ” ayuu yiri Faarax Isaaq oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA-da.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta howlgalka ATMIS, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay sii dheeraa doonto qorshaha bixitaankooda, marka la eego waqtiga iyo xaaladda lagu jiro.

“Is jiid-jiidka dhanka bixitaan ciidanka ATMIS weli waxaad u maleysaa inuu sii socon doono oo waqtiga la qabsaday ay adkaa doonto,” ayuu markale yiri Aqoonyahan Faarax Isxaaq.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay in ay weli caqabado xoogan ka jiraan dalka, ciidamada Soomaaliyana aysan helin tirada & tababaradii loo baahnaa maadaama ay ku jiraan dagaal

“Ciidan dagaal ku jiro, haddane la tababaro oo uu bato way iska adkaa doontaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay kusoo biirayaan dalaalka dariska oo shalay go’aamiyay in meel looga soo wada jeesto, sidii looga adkaan lahaa kooxdan oo loo arko inay halis ku tahay gobolka.