25.7 C
Mogadishu
Tuesday, February 17, 2026

Maxay PUNTLAND u xirtay xafiiskii xisbiga Wadajir uu ku lahaa GAROOWE?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland, ayaa albaabada u laabtay, xarun cusub oo xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu 31 bishii hore Jannaayo ka furtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay, in guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) uu bixiyay amarka lagu xiray, xarunta xisbiga Wadajir ee magaalada Garoowe.

Gu’jir ayaa xog aan helnay ay sheegeysa in sababta uu ku sheegay in dowladda Puntland diiddantahay in ol’olaha siyaasadeed ee xisbiyada Soomaaliya uu saamayn ku yeesho xiriirka Puntland iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wararku waxay sheegayaan, in xukuumadda Puntland ay amar ku bixisay, in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin degaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Puntland iyo hoggaanka xisbiga Wadajir ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaan midkoodna weli ka hadlin, sababaha loo xiray xaruntii xisbigaasi ee magaalada Garoowe, oo ahayd xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada Puntland.

Caasimada Online
Xafiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News