Maxay shabakada Abaarso ka tiri dhaliilaha loo jeediyey iyo kiiska ka dhanka ah Joy?

Hargeysa (Caasimada Online) – Iyada oo muddooyinkii la soo dhaafay ay sii xoogeysanayeen eedeymaha loo jeedinayo shabakadda dugsiyada ee Abaarso Network iyo Jaamacadda Barwaaqo ayaa waxaa arrintaas ka jawaabay shabakaddan oo ka hadashay doodaha ka dhashay arrintaas, isla-markaana la’isla dhex-marayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Shabakadda dugsiyada Abaarso ayaa marka hore soo hadal qaaday eedeymaha culus ee loo jeediyey macalimad Joy Isa, waxayna shaacisay in muuqaallada la baahiyey ay yihiin kuwa hore, isla-markaana ay aheyd xilli ay ka qeyb-qadaneysay adeegyo diimeed gudaha Nigeria.

Sidoo kale shabakadda ay ku mideysan dugsiyada Abaarso ee ku yaalla Somaliland ayaa xustay in Joy Isa ay heshiis kula shaqayneysay, isla markaana aan loo ogoleyn in ay ka hadasho arrimo diimeed, sida lagu sheegay warbixinta.

“Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada la soo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer kahor intii anaan shaqaalaysiin.., waxaanu kalsooni ku qabnaa in marwo Isa anay jabinin heshiiskii aanu la galnay iyo sharciga noo yaala” ayaa lagu yiri warbixinta.

Qoraalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Joy Isa ay tahay macalimad khibrad fog leh, isla-markaana ku wanaagsan dhinaca maamulka, sidaasina lagu soo xushay.

“Joy Isa waxay leedahay 27 sano oo khibarad maamule-nimo ah, sida shaqaalaha yaga kale Isa waxa laga rajaynayaa in ay raacdo xeerarkayaga mamnuucaya ka hadalka diimaha, hadii ay khilaafi lahaydna barri hore ayaa la eryi lahaa” ayey raacisay warbixinta.

Ugu dambeyn shabakadda dugsiyada ee Abaarso ayaa hoosta ka xariiqday in adduunka ay ka raadsadaan macalimiin aqoon sare leh, balse ay la galaan heeshiis ah in aanay ka hadli karin diimaha ay aaminsanyihiin iyo sidoo kale fikiradahooda gaarka ah.

Si kastaba arrintan ayaa sababtay in la xiro Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo isagu bannaanka keenay kiiska macalimad Joy Isa oo ka howl-gasha Jaamacadda gabdhaha ee Barwaaqo oo ku taallo gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland.