Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka Axmed Madoobe iyo Deni iyo Musharaxiinta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo mar xulufo siyaasadeed ku ahaa la-dagaalanka madaxweyne Farmaajo.

Khilaafkan ayaa ka dhashay sida madax goboleedyada ay u maareeyeen doorashada Aqalka Sare, si gaar ahna Amxed Madoobe iyo Saciid Deni, ayada oo Midowga Musharaxiinta iyo xubno ay taageerayeen lagu soo dari waayey liiska musharaxiinta.

Kadib musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ay ku dhalleeceeyen sida ay ku bilowdeen Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan Aqalka Sare, waxayna toos fariin u direen madax goboleedyada ayaga oo dalbaday, in kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami-u-qabashada doorashooyinka.

Waxaa xigay, in shirka Muqdisho ka furmay loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirka.

Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay aad uga xumaadeen war-murtiyeedkii dhawaan ay midowga musharixiinta uga hor imaadeen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamul Goboleedyada.

Xiisaddan gunteeda ayaa la rumeysan yahay inay sabab u tahay ayada oo Saciid Deni la rumeysan yahay inuu isku sharxayo madaxweyne, taasi oo si toos ah loolan uga dhex abuureysa isaga iyo Midowga Musharaxiinta.

Xildhibaanada laga soo dooranayo Jubaland iyo Puntland ayaa la rumeysan yahay inay aad isugu haleynayeen Midowga Musharaxiinta, maadaama mamaullada kale ay ku xiran yihiin ama ku dhow yihiin Farmaajo.

Si kastaba, musharaxnimada Deni ayaa albaabka ka xirtay Midowga Musharaxiinta, taasi oo keentay in labada dhinac ay si toos ah isku arkaan, maadaama danahooda siyaasadeed ay isku hor-imaadeen.