Xog: Guudlaawe oo go’aan ka gaaray kursiga Xaaji Muuse Suudi ee liiska Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudlaawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Villa Somalia, oo ku aadana in liiska laga saaro Xaaji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ka mid ah hoggaamiyeyaashii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho.

“Lagama yaabo in Muuse Suudi iyo cid kasta oo maqaam ku dhex leh beesha Mudulood aan ka reebo liiska,” waxaa sidaas xaqiijiyey Cali Guudlaawe, sida ay Caasimada Online u sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha oo uu la hadlay.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mudulood.

Dhaqanka beesha Mudulood oo aad u xooggan, iyo magaca ay siyaasiyiinta ku leeyihiin beesha dhexdeeda ayaa la rumeysan yahay in darteed uu madaxweyne Guudlaawe u diiday inuu u hoggaansamo cadaadiska Villa Somalia.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa sidoo kale diiday isku day kale oo ay Villa Somalia ku dooneysay in liiska lagu daro siyaasiyiin tartan adag gelin kara xubnahan.

Si kastaba, Guudlaawe ayaa laga yaabaa inuu Villa Somalia ku qanciyo inuu liiska ugu daro dhowr qof oo la siinayo kuraasta beelaha kale ee Senataradooda lagu dooranayo HirShabeelle, oo Guudlaawe uusan cadaadis badan kala kulmi doonin.

Maamulka HirrShabeelle ayaa ah kan kaliya ee aan illaa hadda soo magacaabin liiska musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in madaxweyne Guudlaawe uu liiska soo saaro kadib dhammaadka shirka wada-tashiga qaran ee ka furmay Muqdisho.