Goodax Barre oo labo arrin uga digay HIRSHABELLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan golaha shacabka oo muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Beledweyn.

Goodax Barre oo wareysi gaar ah siiyey Soomaali Cable TV ayaa uga digay HirShabelle in la’is ku xiro safarka Cali Guudlaawe & doorashooyinka.

Xidlhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in safarka madaxweynaha HirShabelle ee Beledweyn uu xiisad horleh ka dhaliyey magaaladaas oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

“Waxaa soo kordhay in Maamulka Hir-Shabelle uu sameynayo isku day ah is dhexgelinta siyaasadda doorashada, cabashada taagneed iyo safarka Cali Guudlaawe, taasi waxa ay dhalisay xiisad cusub,” ayuu wareysigan ku yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin sabab doorashada looga soo wareejiyo Beledweyn, maadaama ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Beledweyne amnigeeda waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda federalka, mana jirto sabab loo damco in doorashada laga wareejiyo balse dad ayaa isku xiraya doorashada iyo diidmada safarka Madaxweyne Guudlaawe” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay fashilmeen wada-hadalladii xal raadinta ahaa ee maalmahan ka socday gudaha degmada Beledweyne, kadib markii ay siyaasiyiintii iyo xildhibaannadii tegay magaaladaasi ay qorshe kale la yimaadeen, sida uu hadalka u dhigay.

HirShabelle ayaa weli wajaheyso caqabado xoogan oo sababay in aysan weli guda-gelin doorashada Aqalka Sare ee ka bilaabatay xarumaha kale ee maamul goboleedyada dalka.