Maxay ahaayeen raggii xalay lagu qabtay degmada Heliwaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.

Saraakiisha horkaceysay howl-galkan ayaa sheegay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbeen dadka deegaanka, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen.

Ragga la soo qbatay oo labo ah ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen mindi iyo bistoolad macmal ah, sida ay shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Booliska.

Sidoo kale raggan oo lagu soo bandhigay xarunta maamulka degmada Heliwaa ayaa lagu qabtay moobeelo ay ka soo dhaceen dadka shacabka ah, sida uu talisku sheegay.

Dhankiisa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxulow ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka hortega kooxaha burcadda ah, isla-markaana ay sugayaan amniga.

Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale rag hubeysan oo amni darro waday lagu qabtay degmada Kaaraan, kadib howlgal ay ka sameeyeen ciidanka amnaaka Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa saraakiisha laamaha ammaanka waxa ay xoojiyeen howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga caasimada, maadaama ay ka dhacayaan doorashooyin.