Weerar culus oo xalay markale lagu qaaday Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xalay magaaladaas ay mar kale weerar madaafiic ah ku qaadeen dagaal-yahano loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Madaafiicda oo u muuqday kuwo magaalada bannaankeeda laga soo tuuraayay ayaa baqdin ku dhaliyay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in inta badan madaafiicda loo ganay dhanka Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in madaafiicda ka dib ay rasaas xoogan ka dhacday aagga garoonkaasi, isla-markaana ay rasaastu u muuqatay mid ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga. Sidoo kale, kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin.

Al-Shabaab ayaa marar badan horey u weerartay garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb, ayada bishii Novermber ee sanadkii hore duqeysay diyaarad uu la socday Madaxweyne Qoor Qoor, taasoo ka kacday garoonka Dhuusamareeb inkastoo aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Tan iyo markii uu madaxweyne noqday Qoor Qoor, islamarkaana meesha laga saaray Ahlu-Sunna, kooxda Al-Shabaab ayaa kusoo xooogeysaneysay Galmudug, ayada oo Qoor Qoor uu noqday madaxweyne inta badan ku sugan Muqdisho, oo ka shaqeeya danaha Villa Somalia.