Hoggaamiye uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay $5 milyan oo lagu arkay Kabul

Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baad-goobayaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay isla markaasna madaxiisa la dul dhigay $5 Malyan oo Dollar ayaa si lama filaan ah looga arkay magaalada Kabul ee Caasimadda dalka Afghanistan.

Hogaamiyahaan oo lagu magacaabo Khalil Haqqani, isla markaasna ka tirsan kooxda Haqqani ayaa la sheegay inuu Magaalada Kabul u imaaday inuu ka qeybgalo wada-hadallada lagu dhisayo dowlad cusub oo dalka Afgaanistaan uu yeesho.

Khalil Haqqani ayaa la sawiray isagoo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasimada Afgaanistaan ​​Jimcihii, waxaana hareerihiisa taagnaa rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada Militariga.

Hoggaamiyahaan ayaa marka sawirada laga qaadayey wuxuu ku sugnaa Masaajid, wuxuuna khudbad u jeedinayey ciidamo ka tirsan kuwa Taalibaan iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Masjidka.

Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan.

Weerarada kooxdaan lagu eedeeyey waxaa kamid ah weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya.