AMISOM oo war cusub ka soo saartay dadkii ay ‘ku leysay’ degaanka Golweyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa markale looga hadlay dhacdadii lagu laayey todobadii qof ee rayidka ahaa ee dhowaan ka dhacday deegaanka Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

AMISOM ayaa marka hore sameysay qirasho, waxaana qoraalkan ay ku shaacisay in dadka ay dileen ciidamadeeda ay ahaayeen rayid, isla-markaana ay ku ogaatay hordhaca baaritaan la sameeyey oo la xiriira, sida uu u dhacay falkaasi shacabka lagu xasuuqay.

Sidoo kale AMISOM ayaa tilmaamtay in kadib dhacdadaasi ay kulamo la yeelatay cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, isla-markaana ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka.

Warka kasoo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi ka kooban 7 xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga, waxaana horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Guddigaasi ayaa sidoo kale waxaa xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saddex sarkaal oo sar sare oo ka kala tirsan milatariga, booliska iyo xarunta hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, sida lagu caddeeyey warsaxaafadeedka.

Waxa kale oo uu guddigu soo jeedin doonaan marka uu u soo dhammaado baaritaankooda in magdhow la siiyo ehellada dadkooda la-laayey, haddii askartaasi dambiga lagu helo.

“ AMISOM waxay u qaadaysaa hab sharci ah eedeymahan halista ah si waafaqsan hab- dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, waxaana ka go’an inay sida ugu dhaqsaha badan u sameyso baaritaan dhab ah, la xisaabtamo cidkasta oo mas’uul ah una hoggaansanto dhammaan wixii ka soo baxa iyo talooyinka baaritaanka,” ayaa lagu yiri.

Sida uu qurshuhu yahay baaritaanka ayaa waxaa la soo afjari doono 6-da bisha soo socota Sebteembar, iyada oo la shaacin doono magacyada askartii dilkaasi geysatay, isla markaana la ciqaabi doono, haddii baaritaanka socdo lagu xaqiijiyo inay dilkaasi geysteen.

Si kastaba AMISOM ayaa horey u baahisay war ka duwan midka hadda soo baxay oo ahaa in dadka la dilay ay ahaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, walow haatan ay AMISOM qiratay inay shacab ahaayeen dadkaas, kadib markii eheladooda ay wacad ku mareen in meydadka aysan aaseyn ilaa ay ka helayaan cadaalad & xuquuqda dadkooda.