Hoggaamiyaha ONLF oo ku baaqay in Soomaalida ay hubka qaataan xilli xiisadda dagaal ay ka dartay (Daawo)

Jigjiga (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Ururka ONLF Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa wareysi uu bixiyey waxa uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, dagaalka ka socda gobolka Siti ee Canfarta iyo Soomaalida, arrimaha doorashada deegaanka iyo guud ahaan xaaladda dalka Itoobiya iyo tan deegaanka Soomaali Galbeed.

Guddoomiye Maadey ayaa wareysigaan uu siiyey TV-ga Somali State waxa uu ku sheegay in dagaalka gobolka Sitti ee Soomaalida iyo Canfarta uu yahay mid siyaasadeysan, oo lagu gumaadayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in shacabka Canfarta aysan shaqo ku lahayn dagaalka, oo Canfarta iyo Soomaalidu ay yihiin dad walaalo ah, dagaalka socdana uu yahay mid dano siyaasadeed laga leeyahay, isagoo wacad ku maray in shacabka Soomaaliyeed ee la xasuuqayo aysan marnaba raali ka noqa doonin, ONLF-na ay difaaci doonto dadka Soomaaliyeed.

“Shacabku waa inay diyaar garoobaan, is hubeeyaan oo hub gataan, sida shacabka Axmaarada loo yiri hub ha gateen, idinkuna waa inaad hub gadataan oo qoryihiina qaadataan, anigu malihi dad kale ku duula, laakiin waxaan leeyahay is difaaca oo degaankiina haddii la idinku yimaado iska difaaca cadawga, haddii ay timaado dawladnimo wadajir ahna waan ka qayb galaynaa, haddii nin walba uu degaankiisa ku ekaadana inaan is difaaci karno waa-lagama maarmaan,” ayuu yiri guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maaday.

Mar uu si guud uga hadlayey xaaladda uu ku sugan yahay dalka Itoobiya, gaar ahaan dagaalada ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas ayaa waxa uu sheegay in xalku ila muuqdo inuu ku jiro wadahadal dhex-mara xukuumadda iyo TPLF, isagoo sheegay in dagaal aan lagu gaareyn wax natiijo ah.

Sidoo kale hoggaamiyaha ONLF waxa uu wareysigaan uga hadlay doorashada bisha soo socota lagu wado inay ka dhacdo deegaanka Soomaalida, taas oo uu sheegay inay eegayaan waxa ay la yimaadaan guddiga doorashada.

Guddoomiyaha ayaa guddiga doorashada ku eedeeyey in aysan dhex-dhaxaad aheyn, sidoo kalena ay muhiim tahay in la bedelo kaararkii cod-bixinta ee horay muranku uga dhashay.

Cabdiraxmaan Maadey hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka ONLF waxa uu carabka ku adkeeyey in hadii aan la keenin dad dhex-dhexaad ah aysan doorasho ka dhaci doonin deegaanka, isla markaana ay go’aan ka qaadan doonaan, iyagoo kaashanaya shacabka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ONLF waxa uu maamulka madaxweyne Mustafe Cagjar ku eedeeyey in ururkiisa uu burburinayo, isla markaana marar badan laga xiray xafiisyada ay ku leedyihiin magaalada Jigjiga oo calanka ONLF la jeex-jeexay.

Mar uu soo hadal qaaday khilaaf ka dhex-taagan ONLF ayuu sheegay  guddoomiyuhu in xubnihii horay looga saaray ururka ay hadda soo dhawaynayaan, albaabaduna u furan yihiin, isla markaana ay rajo weyn ka qabaan inay ururka ku soo laabtaan.

Hoos ka daawo wareysiga