Xog: Yaa diiday in Midowga Musharaxiinta kaalin laga siiyo shirka MUQDISHO?

Muqdisho  (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo dhameystirka Doorashooyinka dalka, raadinta dhaqaalaha ku baxaya, diyaarinta Habraaca Doorashada Golaha Shacabka iyo Qodobo kale.

Kulankaan waxaa shir Guddoominaya Ra’iisul Wasaare Rooble, Siciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cumar Filish.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirka ayaa waxaa loo diiday inay ka qeyb galaan xubnaha Midowga Musharixiinta oo dhawaan codsaday in kaalin laga siiyo shirka, si ay kaalin ugu yeeshaan aayo ka tashiga doorashada dalka

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka gaabsaday codsigii Midowga Musharixiinta ee ahaa inay ka qeyb galaan shirka kadib markii ay ka hor-yimaadeen qaaar ka tirsan madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay diideen in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirka.

Wararka ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay aad uga xumaadeen war-murtiyeedkii dhawaan ay midowga musharixiinta uga hor imaadeen doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday maamul Goboleedyada.

Madaxda Maamul Goboleedyada HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo markii hore diidanaa in Midowga Musharixiinta laga qeyb-geliyo howlaha doorashada Soomaaliya ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aanka cusub oo ay qaateen Axmed Madoobe iyo Deni oo markii horeba u ololeen jiray in Midowga Musharixiinta kaalin laga siiyo shirarka wada-tashiga.

Axmed Madoobe, Saciid Deni iyo Midowga Musharixiinta ayaa horey u sameystay golaha Badbaado Qaran ka hor inta aysan doorashada bilaaban, waxaana hadda muuqata in labada dhinac ay kala tageen islamarkaana uu burburay golahaas.