Maxay Somalia uga dhigan tahay arrinta ay Kenya ku dhowaaqday?

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowlada Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan ay dowladu bilaabi doonto dhoofinta shidaalka marka la gaaro bisha June sanadka danbe.

Dowlada Kenya waxa ay sheegtay inay soo saari doonto marka hore kumanaan barmiil maalintii, laakiin madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadanka uu doonayo inuu noqdo wadan dhoofiya shidaal badan laba sano gudaheed.

Dowladu waxa ay sheegtay in shidaalka la dhoofin doono uu yahay mid laga helay afar sano ka hor galbeedka Kenya ee Lokichar.

Dowladu waxa ay sheegtay in daabulida shidaalkaasi ay u adeegsan doonaan baabuur iyadoo la keenayo dekadda Mombasa ilaa la dhameeyo dhuun aada Lamu oo la dhisayo.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale ku howlan inay qeybo ka mid ah badda Soomaaliya ka baarto shidaal, waxaana arrintan cusub uu yahay mid sii xoojin kara damaca Kenya ee shidaal kasoo saarista badda Somalia

Horaantii sanadkan Uganda ayaa ku dhawaaqday inay dhisayso dhuun shidaal oo gaaraysa Tanzania.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com