Xog: Xujo yaab leh oo ku xiran ka mid noqoashada baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa si adag uga hadlay caqabadaha lasoo darisay shaqsiyaadka u hanqal taagaya kamid noqoshada labada aqal ee uu yeelan doono dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in lagu jiro xiliga ay dalka u talin lahaayen Aqoonyahaanada, balse waxa uu sheegay in damacooda la hordhigay dhaqaale aysan ka bixikarin haddii ay kamid noqon lahaayen labada Aqal ee iminka aasaaskiisa uu socdo.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in caqabada koowaad ay tahay dhaqaale bixin, taa oo xanibtay in dadka doonaaya kamid noqoshada labada Aqal aysan bixinkarin waa haddii ay ku dhiiran lahaayen inay xubno ka noqdaan labada Aqal.

Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo u waramaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xilalka labada Aqal ay isu bedeleen dhaqaale, waxa uuna walaac ka muujiyay sida loo marin habaabinaayo sharciga dalka.

Waxa uu sheegay in Madaxda ugu sareysa dalka ay ugu baaqayaan hakinta dhaqaalahaasi xad dhaafka ah, isagoo ku taliyay haddii aysan suuragal aheyn in dhaqaale dhimis la sameeyo maadaama aysan dadka badankooda bixinkarin dhaqaalaha lagu xujeynaayo inay bixiyaan.

Waxa uu intaa ku daray in dhalinyaradii u hanqal taageysay xilalkaasi ay lasoo daristay niyad jab waxa uuna su’aal ka keenay cida xilalkaasi loo diyaariyay marba haddii ay madaxdu la imaaday suruud lacag ah.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Bakar ayaa ahaa ”Lacagta way badan tahay waxaana suurtagal ah in ay caqabad ku noqoto dadka aqoonta leh ee doonaya inay baarlamaanka cusub soo galaan”

Geesta kale, waxa uu cod dheer ku sheegay in go’aanada noocaasi ah ay kasoo horjeedan balse Madaxda sare ay ka dalbanayaan in lacagtaasi la dhimo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com