Maxaa ka jira arrintan xildhibaan Xoosh Jibriil uu shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowlada Somalia lagu dhaliilaayo qaabka ay u hirgalineyso dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, ayaa waxaa qaabkaasi arrin halis ah ku tilmaamay Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Somalia.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh, ayaa sheegay in qaabab khaldan loo maraayo hanaanka dhismo ee Aqalka Sare, dhaqaalaha laga qaadayo Xildhibaanada xilka baarlamaanka iyo Matalaadda dumarka ay ku leeyihiin aqalkaasi.

C/raxmaan Xoosh, waxa uu sheegay inaanu u muuqan hab sharci ah oo loo soo dhisaayo Aqalka Sare, waxa uuna sheegay in dhammaan qaabka dhismo ee aqalkaasi uu yahay mid sharci darro ah oo aan la waafajin sharciga dalka ka jira, sida uu hadalka u dhigay mar uu la hadlaayay Idaacada GJ ee magaalada Muqdisho.

”Waxaad moodaa in la baalmaraayo sharciga oo cidna aysan iska xilsaareynin sharciga, iima muuqato sharci loo maraayo hanaanka lagu xulaayo Aqalka Sare ee waxaa ii muuqda degdeg wax lagu sameynaayo”

”Qaabka wax loo dhisaayo waa qaab ay khatar ku jirto waxaayo maxaa yeelay aqalka sare sida ku dhigan dastuurrada Dunida waa gole meel ayay matalaan qabaa’illo ma matalaan, maamullada dhisan ee hadda Puntland iyo Jubbaland, Galmudug, K.Galbeed, xaggee looga keenayaa aqal sare , Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo isku xiran illaa hadda arrinkoodii aaanuu dhameys tirneyn iyo Somaliland oo maamul goonni ah uu ka jiro oo wadahadal lagula jiro”

”Dhammaan sharciyadaasi laga talaabay waxa ay wakhti danbe keeneysaa carqalad Siyaasadeed, waxaana halkaasi ka imaan kara khilaaf cusub oo aan iminka u muuqan shaqsiyaadka sida maldahan wax u dhigay”

Xildhibaan Xoosh oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shaqsiyaadka u sharaxan labada Aqal laga qaaday dhaqaale aad u xoogan oo aan horay loo arag, waxa uuna sheegay in dhaqaalahaasi ay ka turjumeyso ganacsi balse aysan muujineynin in dadka lasoo xulaayo ay u shaqeyn karaan Qaranka.

Isaga oo ka hadlaayay dhaqaalaha ay bixinayaan labada aqal ayuu yiri ”Musharaxiinta u taagan aqalka hoose waxaa laga qaadayaa lacag dhan 5,000 oo dollar, halka kuwa u tartamaaya aqalka sare laga qaadaayo lacag dhan 10,000 oo dollar”

”Anagu waxaan aragnay dastuur dhigaaya in muwaadin waliba uu xaq u leeyahay inuu wax doorto iyo in la doorto”

”Dastuurka qodobkiis 22aad waxa uu leeyahay qof kasta oo Soomaali wuxuu dooran karaa qofka uu doono lkn hadda iima muuqata sharci lagu hirgalinaayo qodobkaasi”

Nuqul kamid ah wareysigii uu siinaayay Idaacada GJ ayuu ku yiri ”Dumarka matalaadoodii waxaa cajiib ah oo lagu heshiiyay boqolkiiba Soddon ha la siiyo xildhibaannada iyo aqalka sare ee baarlamaanka, laakiin meel ay Soomaalidu ku heshiisay ma jirto dadka la dooranaayo 30% kaliya ayaa dumar noqonaaya, hadda waxaa u qoran madasha in 51 qof ee xildhibaannada dooranayaa boqolkiiba 30% ay dumar noqdaan, taasina waxay ka soo horjeeddaa dastuurka qodobka 11aad oo ah dadka oo dhani waa uu wada siman yahay, waxaad mooddaa in waxaan laga fiirsan lasoo maleegay”

Haddalka Xildhibaan C/raxmaan ayaa u muuqda mid madaxda dowlada Somalia ay ku baalmarayaan sharciga ay horay ugu hishiiyeen iyaga oo doorbidaaya sharci mala-awaal ah oo aan qodobadiisa ku jirin dastuurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com