Xog: Xiriirka Xasan iyp Guuleed oo gaaray heerkii ugu xumaa abid

Muqdisho ( Caasimada Online) – Waxaa iminka heerkii ugu xumaa gaaray xiriir Siyaasadeedkii ka dhexeeyay Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.

Xiriirka labada Mas’uul ayaa xumaaday tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug uu arrimo caafimaad ugu socdaalay dalka India waxaana iminka soo ifbaxaaya in xiriirkooda uu yahay mid mugdi kusii siqaaya marba marka xiga.

Xiriirka labada mas’uul ee saaxiibada dhow ahaa, ayaa waxa uu qarka ka dhacay kadib markii leysku fahmi waayay arrimaha ku xeeran doorashooyinka dalka, awood qeybsiga iyo arrimo kale oo salka ku haya Siyaasado hoose oo labada mas’uul ay wadaagan.

Qodobka ugu xiisaha badan ee labada mas’uul sii kala fogeeyay ayaa waxa uu yahay qodobka tirro kordhinta loogu sameeyay Puntland kaasi oo qeexaaya in Puntland tiradii ay ka heysatay Aqalka Sare loogu biiriyay laba lamber oo dheeri ah kuwaa oo laga soo qaaday maamulka Somaliland, waxa ayna taasi sabab u noqotay xiriirka labada mas’uul.

Madaxweyne Guuleed oo garab ka helaaya Beeshiisa ayaa ku dhawaaqay go’aan ah inuu xiriirka u jaray Madaxweynaha Somalia, sababo la xiriira khilaaf ka dhashay liiditaan uu Xassan Sheekh kula kacay Beesha Habargidir.

Mas’uuliyiinta ugu sareysa Kooxda Damul Jadiid ayaa ku hingoobay isku soo dhaweynta labada mas’uul, waxa ayna garwaaqsadeen in arrinku uu yahay mid aan ka gaaris laheyn.

Waxaa iminka liita rajadii laga qabay in dib leysugu soo celsho labada mas’uul ee ku kala irdhoobay Siyaasada,waxa uuna C/kariin Guuleed baadi-goob ugu jiraa sida uu ku heli lahaa Koox uga wanaagsan Damul Jadiidka, waxaana soo ifbaxaaya in wadahadal uu iminka kula jiro Kooxda Aalla Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka heerkii ugu xumaa gaaray xiriirka labada mas’uul, waxa uuna Madaxweyne Xassan garwaaqsan yahay in Guuleed la’aantiisa uusan waxba u hagaagikarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com