Maxay Soomaalida ka tiri inay Masar la dagaal gasho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa maanta hanjabaadii ugu cusleyd u diray Ethiopia oo ay xilligaan is-hayaan Soomaaliya, kadib heshiis beenaadkii Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Madaxweyne Al-Siisi ayaa si cad u sheegay in uu Soomaaliya la dagaal galayo haddii ay Itoobiya ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday, taasi oo si weyn usoo dhaweeyeen bulshada Soomaaliyeed, oo iyagu meel adag iska taagay damaca guracan ee xukuumadda Abiy.

“Xeerka Jaamacadda Carabta waxa uu dhigayaa in aan wadajir u difaacno dalkii Carbeed oo ay soo food-saarto khatar jiritaan, sidaas awgeed Dowladda Masar ma aqbalayso in la faro-geliyo, laguna soo xad-gudbo midnimada iyo amniga Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweyne Al-Siisi.

Waxa uu intaas kusii daray “Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno.”

Haddaba, Maxaa laga yiri arrinkaan?

Musamil Axmed Ilyas: Inagoo walaalaheen Masad kaashanayno waxaan diyaar u nahay difaac qarankeena insha Allah.”

Daa’uud Xasan ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri: “Masar waa walaalka weyn ee Soomaaliya.”

“Hamablyo. Sidda sharafta ah ee ay inoo taageereen walaalaheen Masar. Waxaan ku faraxsanahay inuu yidhi Siisi Yaan la dhayalsan awoodayadda. Waan aqbalnay inaan difaacno walaalaheen Soomaaliyeed,” ayuu yiri Mowliid Maxamed Samatar.

Saha Fagaas: “Fiicanaa Masar markeey danteeda ku jirto Illaahoow ha nagu haleen dad wajiyo badan Istaqfirullah.”

“Waa hadal weyn oo Soomaaliya wax tar u leh guuleyso mudane madaxweyne, Ilaahi mar labaad kuso cilayay ayaa mahad leh,” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Axmed.

Axmed Ciise Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Shaqo ayaa socota iyo halgan uu hormuud u yahay Dr Xasan Sheekh.”

Sara Cabdillaahi: “Waleee diplomacy meel waa lagu saaray Ethiopia.”