Daawo: Kadib geeridii Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, R/W Xamza oo maanta tegay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda wasaaradda.

Booqashada Xamse ee wasaaradda haweenka ayaa inteeda badan la xiriirtay tacsi uu ugu tegay shaqaalaha iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda, maadaama ay geeriyootay wasiirkii wasaaradaas Maamo Khadiija Maxamed Diiriye.

“Ujeedkeygu wuxuu ahaa inaan wasaaradda soo booqdo kadib geeridii wasiir Khadiija, bal si aan u soo arko shaqadu sida ay u socoto, waana ku faraxsanahay intaan oo shaqaale ah oo wasaaradaan ka tirsan inay soo xaadiraan,” ayuu yiri R/W Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in wasaaradda haweenka ay ka mid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan xukuumadiisa, isagoo sharaxay muhiimadda wasaaradaan ay u leedahay dalka.

“Wasaaradaan waxay ka shaqeysaa meelihii ugu muhiimsanaa dalkeena, iyadoo ah wasaaradda haweenka ayaa hadana loogu daray ilaalinta xuquuqul insaanka, waad ogtihiin haweenku miisaanka ay ku leeyihiin dalkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Wuxuu sheegay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ka soo qaateen badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed, “Sidoo kale tirada haweenka Soomaaliyeed ay uga jiraan dadkeena waa lambar aad u badan, dadkeenu imtixaano badan ayey soo mareen waxaana cadaatay in haweenka Soomaaliyeed ay aad u adkeysi badan yihiin,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in sida ay haweenku muhiim ugu yihiin dalkaan ay wasaaraduna muhiim ugu tahay dowladda, “Waa wasaaradda ugu muhiimsan xukuumadaan danqaran,” ayuu yiri.

Wuxuu tusaale u soo qaatay kaalintii wasaaradaan iyo haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dagaalka ay dowladdu kula jirto Khawaarijta, “wasaaradda ahmiyadaas noo leh, hadii hoggaankii ugu sareeyey uu ka baxay, waxaan rajeynayaa in howshu sideedii u sii soca doonto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka daawo