Maxay tahay dacwadda ka dhanka ah DF Somalia ee loo gudbiyey maxkamada ICC?

Hague (Caasimada Online) – Ururka ay ku mideysaniyiin qareennada Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah, fadhigiisuna yahay magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa haatan dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyay maxkamada caalamiga ee dambiyada dagaalka ee ICC, taas oo ku taalla magaalada Hague ee wadanka Netherlands.

Guddoomiyaha ururkan Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, isla-markaana la hadlay VOA ayaa shaaca ka qaaday inay Hague u gudbiyeen illaa 4 kiis oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, dadkii lagu dilay Baydhabo, xilligii doorashada ee Lafta Gareen, cunaqabateyntii la saaray Kismaayo iyo arinta dhalinyarada la geeyey Eritrea.

“Kiisaska aan u gudbinay maxkamada dambiyada ee caalamiga ah ayaa kala ah afar kiis oo kala ah kiiska Ikraan Tahliil, xasuuqii ka dhacay Baydhabo, cunaqabateyntii Kismaayo lagu soo rogay oo dhibaato fara badan ay kasoo gaartay shacabka Jubbaland iyo dhalinyarada Soomaalida ah ee loo qaaday wadanka Eritrea,” ayuu yiri Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay maxkamaddu ka aqbashay dacwadda ay ka gudbiyeen dowladda federaalka ah, isla-markaana ay jawaab ka heleen, sida uu hadalka u dhigay.

“Haa afarta kiis waa naga qabteen maxkamadda, jawaabna waan ka helnay in dukumintigaas uu gaaray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Yuusuf Cabdi oo hoggaan u ah qareennada dacwadda gudbiyey ayaa intaasi ku daray in la guda-galo kiisaskan ay ku xiran tahay fursadda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, isla-markaana ay iyada ka war dhowrayaan, maadaama ay gacanta ku heyso kiisas kale.

“Waxay ku xiran tahay fursadooda, maadaama kiisas badan ay jiraan, iyaga ayaa garanaayo sidii ay kiisaska u kala hormarin lahaayeen,” ayuu markale yiri guddoomiyuhu.

Si kastaba, Soomaaliya ayaan xubin ka aheyn maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC, waxaana arrintan ay kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo dalka ay ka jirto xiisad xoogan.