Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa isgoyska Ceelgaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday bar- koontarool oo laga galo dhimshaa xarunta madaxtooyada, kuna ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu geystay khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa qaraxa ku burburay gaadiid u badan kuwa raaxada iyo mootooyin nooca bajaajta oo xilligaas marayey isgoyska Ceelgaabta oo ah meesha uu qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya oo faah faahin horudhac ah ka bixiyey qaraxa ayaa xaqiijiyey in loo adeegsaday gaari, wuxuuna intaasi ku daray inay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan inta uu gaariisanyahay khasaaraha ka dhashay is-miidaamintaasi.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya caasimada, waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho.