Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii 10-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka banaadir qaarkood, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa xafiiska suuq-geynt shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane Axmed Ciise xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay ubaahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa in todobaadka soo socdo loo tartami doono gaariga Hyundai Waliba nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu farxay in gaariigii ugu horeeyay Hyundai ay ku guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo mudneyd in lagu abaalmariyo waxaan rajeeynayaa in gaariga Hyundai -ga cusub u uku guuleyso qof ka mid ah macaamiisheena Xmar ha joogo ama Gobolada Ha joogo ka Somtel ahaan macaamiisheenu wey inoo siman yihiin meel kasto ay joogaan”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Xildhibaan idris Cabdi Dhakhtar oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo amaan & bogaadin-ba mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkan Waxaan si gaar ah uga codsanayaa in shirkaddu xooga saarto deeqda waxbarasho taasoo waxtar u leh ardayda soomaaliyeed Waxaan si dhow ula socday Munaasabada daah-furka ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 hadiyadood Waa barnaamij taabagalay oo tadobaadkii 10aad aan xaadir u ahay hadiyadaha la gudoonsiinayao macaamiisha guuleysatay waa talaabo ku dayasho mudan in bulshada soomaaliyeed waxa lagu celiyo waliba abaalmarino wax tar uleh bulshada soomaaliyeed la gudoonsiiyo Sida Dahab-ka Bajaajka, Gaariga Hyndai Kuwaasoo wax ka taraya shaqo abuurka dhalinta soomaaliyeed Kuwooda wax bartay & kuwa aan mutacalimiinta ah intaba”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Madaxa waaxda ganacsiga somtel Mudane; C/laahi Cali Caamir oo aad u bogaadiyay kalinta shaqo abuurka  shirkadda isgaarsiinta somtel 

“Waxaan bogaadinayaa somtel oo shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiya waxaan bixinay labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan ku faraxsanahay inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed waliba macamiisheena ku guuleysatay qaaliga sida bajaajyada, gaariga Hyundai aan bishii hore macaamiilkii ku guuleystay ku abaalmarinay waa macaamiishii ugu habooneyd ee shirkaddu abaakmariso nasiibkooduna uu saacido marka ay sameeyeen ku shubasho ku hadal ama Data internet-ka Somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay daahir Mxamed Maxamuud oo ku guuleystay bajaaj todobaadkan

‘Ma filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso bajaaj waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baaahneyn xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano”

Waxaa erayo kooban munaasabada ka yiri Jibriil ibraahiim Cali oo ku guuleysatay 10gr oo dahab ah

“Waxaan u heystay markii ugu horeysay ee leey soo wacay  in prank leygu sameynayo waxaan galay page-ka shirkadda waxaan ogaaday in si sax ah aan u guuleystay somtel ay abaalmarineyso xaqiiqdii farxad darted ayaan la ilmeeyay Maanta waa leey gudoonsiiyay”

Ugu danbeyntii waxaa Shucuurtiisa Cabiray Shariif xasan Maxamuud oo ku guuleystay Cooking Machine

‘Waxaan ahay ardayad wax ka barata mid ka mid ah jaamacadaha muqdisho aad ayaan ugu baahi qabay hadiyadaan qaaliga ah ma filaneyn in somtel igu abaalmarineyso waxan uga faa’ideysan doonaa qorida buuga qalin badalshada jaamacada  oo aan dhawaan qoraayo”

Si kastaba ha ahaatee  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka soo socda aan bixin doono gaarigii labad waxaan leenahay ka macaamiisheena ka faa’ideysta ilaa galabta inta laga xusayo macaamiilka guuleeystay waad u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab ama adeegga Easy load

 Waxaa xusid mudan in horay ugu guuleysatay Mamo beeraleey dan yar ah oo ku nool baadiyaha gobalka hiiraan  Waxan rajeeynayaa in bishaan uu ku guuleysto macaamiil aad ugu baahi badan uguna haboon si shirkadda ajar fara badan ugu hesho”