Axmed Daaci oo soo jeediyey in FARMAAJO laga saaro madaxtooyada oo la dejiyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir, Axmed Xuseen Cadow (Daaci) sidoo kalena ka mid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee sanadkan, balse laga guuleystay ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Muqdisho.

Axmed Daaci oo wareysi siiyey Radio Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu saameyn ku yeeshay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka.

Siyaasiga caanka ah ee Axmed Daaci oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay haddii ay sidaan kusii socota xaaladda in uu ka dhalan karo gacan ka hadal, ayna tahay in laga hortego.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir ayaa ugu baaqay beesha caalamka in Farmaajo ay ka saarto Villa Soomaaliya, ayna dajiso Xalane, si loo qaboojiyo xiisadda.

“Beesha caalamka iyo dowladaha Soomaaliya daneeyana waxaan leeyahay madaxtooyada madaxweynaha ha ka saaraano oo ha dajiyaan Xalane, sida ay hadda xaaladda kusii socoto hadii ay kusii socoto dhibaato ayaa dhaceysa oo gacan ka hadal ah,”  ayuu yiri Daaci.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble inuu go’aan cad qaato, isla-markaana uu ka shaqeeyo dhammeystirka doorashada.

Hadalka Axmed Daaci ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan ay hakad-galeen wada-hadalladii u dhexeeyey labada dhinac ee ka socday xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, khilaafka u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha ayaa saameyn ku yeeshay xaaladda dalka ee dalka & doorashooyinka.