Booliska Soomaaliya oo shaaciyey khasaaraha ka dhashay qaraxii Ceelgaabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Cabdifitaax Aadan ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab.

Dhaawaca ayuu  sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska ayaa sidoo kale xusay in dadka ku dhintay qaraxan ay ku jiraan hooyo iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo saarnaa gaari xilligaas marayey wadada.

Waxa kale oo uu tilmaamay in khasaaraha uu intaasi ka badan karo, isla-markaana ay weli wadaan tira koob ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka qaraxa ah.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxaana qoraal kooban oo ka soo baxay kooxda lagu sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, waa qaraxii labaad oo muddo 24 saac gudaheed ka dhacaya Muqdisho waxaana shalay mid kale oo is-miidaamin ahaa uu ka dhacay xarunta Villa Baydhaba ee Muqdisho.