Gabar ka tirsaneyd xafiiska ROOBLE oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay QARAXA

Muqdisho (Caasimada Online) – Hibaaq Abuukar Xasan oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta.

Geerida Hibaaq ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.”

“Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la isku kaashado dagaalka ka dhan ah argagixisada.

Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya,” ayuu yiri Rooble. 

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha, ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda.

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab.

Dhaawaca ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho.