Farmaajo oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Ceel Gaabta.

Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay qaraxii ay Al-Shabaab maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah gabdhaho walaalo ah oo saarnaa gaari nuuca raaxada ah, waxaana gaari oo guud ahaan bas beelay ka badbaaday halgabar sida ay saraakiisha Caafimaadka u sheegeen warbaahinta.

Al Shabaab dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan. Shalay ayay ahayd markii ismiidaamin ay ka dhacay afaafka Villa Baydhabo.