Daawo: Deni oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, sheegayna ballan laga baxay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markiisii ugu horreysy ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo weli xal loo la’yahay.

Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Farmajo uu si cad baarlamanka hortiisa ka sheegay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib qalalaasihii April dhacay ee ka dhashay isku daygii muddo kororsiga.

“27-kii May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaan rajeynayaa in heshiiska uu sidiisa u hirgelo, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka uu u guto sidii loogu talo-galay, madaxda kalena, oo madaxweynuhu ugu horreeyo ay fuliyaan wixii ay ballan-qaadeen, oo ay ra’iisul wasaaraha siiyaan fursad uu shaqadiisa ku guro.”

Hadalka Saciid Deni ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo la sheegay in dalka uu u horseeday hoos u dhac dhaqaale iyo amni daro, maadama labada dhinac uu mid kasta ku taagan yahay go’aankiisa.

Waxaa burburay wada-hadallo maalmihii tegay laga dhex-qaday labada dhinac kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay.

Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen.