Daawo: Wasiir Jaamac oo shaaca ka qaaday ujeedka uu ka lahaa heesta “Maanta oo kalena madaxaa na furan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay heestii uu soo qaaday maalinkii uu dhaarinayey wasiirka cusub ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, taas oo markii uu soo dhigay bartiisa Tiktok-ga aad ugu baahday baraha bulshada, dadkuna ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Heesta oo erayadeeda ugu caansan ay ka mid yihiin “Maantoo kalena madaxaa na furan” ayaa abuurtay hadal heyn badan, maadaama uu taagnaa khilaafkan weli jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble.

“Heesta Madaxaa na furan fariin bay iga ahayd aniga, qofku suu doono ha u qaato, fariintaas meeshaan rabay way gaartay, oo shacabku sida ay uga falceliyeen waan arkay, marka hada iyaga dhanna shacabka madaxaa wada furan maanta,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa ka mid ahaa wasiirrada saaxiibka la ahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo madaxweyne Lafta Gareen, balse hadda waxa uu u wareegay dhanka ra’iisul wasaare Rooble, taas oo dad badan ay heestiisa ku macneeyeen inay ku kaliftay inuu soo qaado heestaan.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay warar sheegaya in loo diiday inuu olole doorasho u aado deegaanada Koonfur Galbeed oo deegaan doorashadiisu tahay, gaar ahaan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Hoos ka Daawo