Qoryooley wey duntay wado maleh waxbarashadii eber..

Qoryooley (Caasimada Online) – Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ka taagan tahay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadka ku dhaqan degmadaasi ay jawahayaan xaalado is-biirsaday.

Caafimaadka ayaa ugu daran, waxaana gaabis uu ku yimid howlihii caafimaadka ee isbitaalka guud ee magaaladaasi, kaas oo ay daawo yari iyo dhaqaatiir la’aan ka jirto.

Xaaladda Qoryooley ayaa waxaa uga sii daray go’doonka ay kooxda Al-Shabaab gelisay degmadaasi oo ka mid ah kuwa ugu faca weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay VOA ayaa shaaciyey in muddo 7 sano illaa 8 sano ah ay wajahayaan xaalado caafimaad darro iyo kuwa nololeed intaba.

“Isbitaal warkiisa ma jiro todobo sano illaa sideed sano ayaan mareynaa ra’iisul wasaarihii koowaad ee yimid iyo Cabduqaadir Siidii isbitaalkaan geynay waxbaan ka qabaneynaa ayaa la yiri wasiirka imaado isbitaalka ayaa la geeyaa wax laga qabtayne maleh,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in haweenkii ay u dhammaadeen Umul-bax, dadkii kalen ay cuduro u dhammaanayaan, maadaama uusan shaqeynin isbitaalka degmada.

“Naagihii Dhiig-bax ayey u dhamaadeen, dadkii waxay u dhamaadeen shil, cuduro isbitaal la’aan waaye, Qoryooley wey duntay waddo maleh waxbarashadii eber,” ayuu raaciyey.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Mudane Seyd Cali Ibraahim oo ka hadlay xaaladaha ka jira gudaha degmadaasi ayaa xaqiijiyey in isbitaalka guud ee ku yaalla halkaasi uusan heysan daawooyin, qalab iyo dhaqaatiir ku filan, wuxuuna tilmaamay inay u baahan yihiin gurmad caafimaad oo deg-deg ah.

“Hadda isbitaalkii guud ee Qoryooley ma shaqeeyo, sidii la rabayna uma shaqeeyo,” ayuu yiri guddoomiye Seyd Cali Ibraahim.

Qoryooley ayaa ka mid ah degmooyinka faca weyn ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana sanado badan gacanta ku haya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo saldhigyo ku leh agagaarka degmadaasi, iyaga si weyn u suga amniga guud magaaladaasi .