KENYA oo markale duqeyn ka fulisay gobolka GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay markale xalay ka fuliyeen qeybo ka mida gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay xoogeeda ka dhacday deegaano iyo tuulooyin hoostaga magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo lagu arkay diyaarado joog hoose ku socoda.

Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Warbeele, Buralaha-Samaroole iyo Golgola Cali, halkaas oo ay ku nool yihiin dad shacab ah, isla-markaana ah Xoolo Dhaqato.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa shaaciyey in weerarkan dhanka cirka ah uu khasaare ka soo gaaray rayidka, balse ma cadda inta uu gaariisan-yahay tiro ahaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku sugan deegaanada la duqeeyey ay bilaabeen barakac xoogan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo iyo maamulka gobolkaasi oo ku aadan duqeynta ka dhacday halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya weerarada is-daba jooga ah ee ay Kenyo ka fulineyso gobolka Gedo oo ku yaal koonfurta Soomaaliya.

S- kastaba, marar badan ayaa Kenya lagu eedeeyey inay tacadiyo iyo dhibaatooyin kale ay dadka shacabka ah ugu geysatay deegaanada Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamadeeda.