Guddoomiyihii deegmada Doolow oo xilka laga qaaday, kadibna xabsiga la dhigay

Doolow (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa shakay waxa uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow, Cali Faarax Mire, wuxuuna wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow.

Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ayaa lagu sababeeyay ku takri-fal awoodeed iyo musuq maasuq.

“Dhammaan laamaha amniga waxaa la farayaa inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), si uu u guto waajibaadka adag ee horyaalla.” Ayaa lagu yiri wareegtada.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Degmada Doolow ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada lagu xiray degmadaasi.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay Universal TV ayaa yiri “Gudoomiyihii Degmada waa la jirdilay, waana la xiray. Xabsi kunteenar ah oo ku yaala Degmada Doolow ayuu ku xiran yahay.”

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri “Waddo sharci ah looma marin xariga Gudoomiyihii Degmada. Gudoomiyaha Gobolka Gedo xilka waa uu ka qaadi karaa, laakiin iskama xiri karo sharci ahaan, waxa lagu eedeynayana waa inay marka hore maxkamad ku caddeysaa, ka dibna la xiro, haddii la rabo in sharciga lagu dhaqmo.”