Daawo: Saciid Deni oo si kulul ugu jawaabay wasiir Jamaal

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalmihii lasoo dhaafay maamulkiisa u jeediyey wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan, oo sheegay in maamulka Puntland uu kala kulmay is hor-taag, kadib markii laba maalin ka hor uu ka degay magaalada Garowe.

Wasiir Jamaal oo Khamiistii la soo dhaafay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa uga sii gudbay degmada laga soo doorto ee Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Shir jaraa’id oo magaalada Dhahar uu wasiir Jamaal ku qabtay ayuu ku sheegay in dadkii ku soo dhaqeyn lahaa Garowe ay hor-istaag ku sameeyeen qolyo uu ugu yeeray ‘siyaasiyiin iyo shakhsiyaad qowleysato ah.’

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maanta ka hadalayey xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in dad waayahaan ka maqnaa deegaanka ay hadda dacaayado raqiiska ah ka faafinayaan maamulkiisa.

“Dad badan oo beryahaan naga maqnaa oo nidaamkaan iyo degaanaantaan soo ilaaway ayaa raba inta deegaanka doorashada federaalka darteed u yimaadeen inay buuq nagu furaan, laakiin waxaan ugu nasteexeynayaa war dadkaan ka mid tihiine la qabsada sida ay wax u rabaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gabi ahaanba aysan jirin cid la hor istaagay, “Dacaayadaha raqiiska ah ee dadka mustaqbalkooda lagu xumeynayo halaga waantoobo, reer Puntland waa il-bax cid been u sheegi kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Saaxiibada siyaasadda ku jira waxaan kula talinayaa qof kasta waxa uu ku hadlaayo waa la xisaabinaayaa, waxaana ku jaan go’naa doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed.”

Hoos ka daawo muuqaalka Deni