Qatar oo soo saartay war ku saabsan Soomaaliya (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala bar-tilmaameedsaday barkoontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar oo qoraalkan soo saartay ayaa shaacisay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Qatar ayaa tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah.

Qatar ayaa markale ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada, waxayna intaasi ku dartay inay garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soonmaaliya.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Villa Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay illaa sideed qof oo ay ku jirtay gabar ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad kale oo rayid ah.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sidoo kale dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo shaacisay inay la beegsatay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxaana dowlada federaalka ah ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha iyo dhismaha ciidanka.