Rooble ‘oo qalad weyn ku sameeyey’ wada-hadalladii uu dhowaan la galay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu sameeyey qalad siyaasadeed weyn kadib markii uu ogolaaday inuu wada-hadallo la galo madaxweyne Farmaajo.

Dr. Mukhtaar ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu la yaaban yahay waxa meesha yaalla oo ay ka wada hadlayaan Farmaajo iyo Rooble, sababtoo ah buu yiri ra’iisul wasaaraha wuxuu haystaa laba qodob oo dastuur ah, oo cad.

“Marka aad fiiriso Qodobka 103-aad ee dastuurka waxaa ku qoran: Xukuumadda Xil-Gaarsiinta Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul-Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah. sidoo kale, Qodobka 91-aad ee dastuurka  ee Muddada Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, wuxuu leeyahay: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo afar (4) sano ah oo ka bilaabata maalinta xilka loo dhaariyo, sida ku xusan qodobka 96 ee dastuurka,” ayuu yiri Dr. Mukhtaar. 

“Marka waxaan la yaabanahay, maxaa lagu wada hadlaa, waxaa la yiri af-magaalo warqad ayuu ku yaallaa. Qaanuunka iyo dastuurka waa in lagu dhaqmaa. Haddii la wada-hadlo waxaa micnaheedu yahay waxbaan kugu qabsanayaa. Marka in la wada hadlo maba aheyn, qaanuunka iyo dastuurka ayaa fasiraya awoodda qof kasta,” ayuu yiri.

Dr. Mukhtaar ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu waqtigiisu dhammaaday 7 bil kahor, waxa kaliya ee uu haysatana ay tahay xushmad ah inuu kursiga kusimo madaxweynaha kale, islamarkaana aanu wax shaqo ah ku laheyn howlaha dowladda. 

“Haddii aan dastuurka la xushmeyneyn, oo Farmaajo weli ay ka dhaadhacsan tahay inuu yahay madaxweyne, dee dastuurka ha la tuuro, oo yiraah, anigaa waddanka madaxweyne ka ah,” ayuu yiri Dr. Mukhtaar.

Waxa uu sheegay in xitaa haddii Farmaajo uu haysan lahaa sharciyad, aysan dastuurka, gaar ahaan qodobka 90-aad ee awoodaha madaxweynaha, meelna uga qorneyn inuu awood u leeyahay inuu iskiis magacaabo ayada oo aanay usoo jeedin golaha wasiirada, 

Dr. Mukhtaar ayaa ugu baaqay Rooble inuu shaqadiisa wata, islamarkaana aanu u joojin Farmaajo, haddii kale uu dalka qalalaase u horseedayo.

Hoos ka dhageyso Dr. Mukhtaar